Bulshooyinka Soomaalidu iyagaa qeexa arrimaha mudnaanta u ah horumarkooda iyagoo u maraya Barnaamijka Midnimo

 Credit: UN Photo/IOM

Credit: UN Photo/IOM

Soomaaliya waxay wali tahay mid ka mid ah masiibooyinka barakaca ee dunida ugu waaweyn. Ku dhawaad 2.1 milyan oo rag, dumar iyo carruur ah ayaa ku nool xerooyinka barokacayaasha. Laga soo bilaabo 2017, tiro lagu qiyaasay 943,000 ayaa abaaruhu ku khasbeen in ay guryahooda ka cararaan halka 172,000 ay ka qaxeen rabshado. Waxa intaa dheer kumanaan ka soo laabtay Yemen iyo Dhadhaab oo ku taalla Kenya oo jaarkeena ah oo ay qaxooti ku ahaayeen. Barakacayaasha iyo dadka qaxootiga ah ee dalka ku soo laabtaa inta badan waxay  magangalyo u yimaadaan magaalooyinka, halkaas oo ay amni iyo baahida cunto ee degdega ah ay ka raadsadaan, iyadoo meesha ay marka horeba khayraadka iyo dhaqaaluhu ku yar yihiin, taasina ay wax u dhinto wada-noolaanshihii. 

Dhibaatooyinka ka dhasha iska-hor-imaadyada iyo cimilada ayaa maamullada Soomaalida ku keena caqabado waaweyn maadaama tirada dadka barakacaya ee magaalooyinka soo galayaa ay si aan la filayn u kordhayaan. Dadka barakacayaasha ah oo aad u nugul waxay la kulmaan go’doomin iyo bulshada oo dhinac looga sooco, taas oo marar badan marka la eego taariikhda Soomaalida dhalisay rabshad. Sidoo kale, meelaha lagu baro kaco waxay dhibaato ka jirtaa isticmaalka iyo lahaanshaha dhulka iyadoo dhulku inta badan noqdo meelo lagu muransan yahay. Muranka badanaa waxa sababa sharci la’aan iyo mulkiyad la’aan, dadka barakacayaasha ahina waxay u nugul yihiin rabshadaha iyo khatarta ah in lagu gefo  xuquuqahooga.  

Dawladda Soomaaliya si ay arrinkan wax uga qabato waxay ku dartay arrimaha mudnaanta u ah iyadoo  Qorshaha Horumarinta Qaranka ku xustay sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha iyo sidoo kale kuwa ka soo laabtay meelihii ay qaxootiga ku ahaayeen iyo bulshooyinka ay soo dhex dageen.  Dawladda Federaalka, Maamul-Goboleedyada Federaalka iyo Beesha Caalamka masuuliyad baa ka wada saaran sidii xal waara loogu heli lahaa bulshooyinka barakacayaasha ah. Waxay caqabaddu ka jirtaa sidii arrinkaa loo fulin laahaa iyadoo loo marayo hab waafaqsan baahiyaha muddada dhaw ee dadka barakacayaasha ah iyadoo aan dhibaatana loo gaysanayn. Waxa iyaduna ka sii muhiimsan sidii dadkan loogu heli lahaa xal ay kala doortaan oo mustaqbalka waara kaas oo ah in ay la midoobaan  bulshada ay ku dhex noolyihiina nabadgalyana  kula  noolaadaan.

 Credit: UN Photo/IOM

Credit: UN Photo/IOM

Si xal waara loogu helo meelaha ay ku nool yihiin barakacayaasha iyo kuwa qaxootiga ka soo laabtay, IOM iyo UN-Habitat waxay taageereen barnaamijka Midnimo kaas oo ah barnaamij wada-jir ah oo ay dawladaha hoose iyo waaxaha kala duwan ee dawladdu ku ogaanayaan baahiyaha iyo arrimaha mudnaanta u leh bulshada ku nool degmooyinka barnaamijka laga fulinayo. Ilaa hadda Barnaamijka Midino wuxu sameeyey Kooxaha Muhiimka Ah Ee Hawl-fududaynta kuwaas oo ay xubno ka yihiin dad metelaya barakacayaasha iyo bulshada ay martida u yihiin iyo sidoo kale xubno metelaya maamul-goboleedyada, gobollada, degmooyinka iyo dawladaha hoose. Hannaankani ma adkaynayo xidhiidhkii ka dhaxeeyey bulshada iyo barakacayaasha oo kali ah, balse waa hannaan sidoo kale kordhinaya kalsoonida ka dhaxaysa hay’adaha dawladda iyo muwaadiniinta. Ilaa hadda, waxa Qorshe-hawleedyadii Bulshada loo sameeyey Baydhabo iyo Kismaayo.

“Qorshe-hawleedkii Bulshada” ee ugu horreeyey waxa Kismaayo laga bilaabay Oktoobar 2017kii, waxaan bilaabay maamulka maxalliga ah iyo xubno ka socday bulshada. Qorshahan oo ay sameeyeen isla markaana loo sameeyey bulshooyinka barokacu saameeyey, ahna kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee la sameeyo, waxa loogu talo galay in lagu horumariyo xaaladaha nololeed ee bulshada iyadoo diiradda la saarayo baahiyahooda gaarka ah. Qorshe-hawleedyada Bulshadu wuxu degmooyinka ka caawinayaa in ay si fiican isugu duwaan hawlaha horumarinta ee ka socda meeshooda, waxana sidaa ku xoogaysanaya awoodda wax-qabad ee hay’adaha maamulka, joogitaankooda, ugu dambayntana waxay kasbanayaan aqbalaadda bulshada. Markii la sameeyey qorshe-hawleedyadan, saaxiibada nala shaqeeya ee sida GIZ (Hay’adda Horumarinta ee Jarmalka), UNDP, IOM, UN HABITAT, WFP, Mercy Corps iyo CARE International waxay dhammaantood muujiyeen sida ay u danaynayaan Qorshe-hawleedyada Bulshada.  Mashruucu wuxu diiradda saaray lahaanshaha iyo shuruucda dhulka. Waxa la sameeyey wada-tashiyo la xidhiidha Qorshaynta Dhulka iyo Magaalooyinka, wuxuuna isku keenay hay’adaha maamulka, bulshada iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka si ay wada-jir ugu sameeyaan aragtida horumarinta ee magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo, halkaas oo lagu xoojinayo mulkiyadda ama lahaanshaha dhammaan kuwa nugul.

Hawlaha muhiimka ahi waxay la xidhiidhaan sidii loo heli lahaa dhul bannaan oo lagu dhiirigeliyo dhaqanka, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta. Kismaayo waxa lagu qabtay munaasibad dhaqanka iyo farshaxanka ah taas oo soo jiidatay in ka badan 70 qof oo ka socday barakacayaasha, qaxootiyada soo laabtay iyo bulshada ay ku dhex nool yihiin.

Barnaamijka Midnimo wuxu ku sii fidi doonaa lix dagmo oo ka tirsan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed iyadoo lagu bilaabi doono Doolow iyo Xuddur sida ay u kala horreyaan- naga war haya si aad wax badan uga ogaataan nabad-dhisidda deegaannada ku salaysan bilaha soo socda!

Barnaamijka Midnimo waxa fuliya IOM iyo Un-Habitat, waxaana maalgeliya UN Trust Fund for Human Security iyo UN Peacebuilding Fund (PBF).

Midnimo visibility banner.jpg